
YAANU NAHAY
Machadka NUR AL QURAAN waa machad online ah oo aad ka baran karto diinta islaamka meel walba oo aad dunida ka joogto machadka waxaa dhigata arday ku kanool sida usa sweden norway finland australia i.w.m macahdku wuxuu kuu diyaariyay wax barasho tayo leh iyo macalimiin aqoon durugsan uleh barida iyo ku barbaarinta ubadka diinta islaamka ah waxaa loo tababaray soo saarida qoys islaami ah waxaa wax lagugu barayaa qalab casri ah oo aan ka dhicin macalin ku horjooga hadaba machadku waxa uu siinayaa ardayda cusub tijaabo sedex maalmood ah oo lacag la’aan ah si uu ugu qanco waalidka waxaa wax kabaran kara qof kasta caruur iyo ciroole machadka waxa uu qaadanayaa arday isugu jirto bilow dhexdhexaad iyo dhameestir intaba wax barashadii loo safri jiray ayaa gurigaagi kugu tinid waa fursad qaali ah si aad isu diiwaangeliso guji xaga sare NAGALA SOO XARIIR

Fadlan ilaali Shuruudaha
Fadlan wakhtiga xiisadaha ha la ilaaliyo haddii ay hawli kula soo daristo ama wax kale kugu yimaadaan usoo sheeg mamulka
-
Waa in arday kastaa yar iyo waynba soo xifdiyaa casharka loo diray
-
Waa in waalidku ag joogaa ardayga inta casharka loo dhigayo haddii wax cudur daar ahi jirin
-
Inta casharka labixinayo waa in aan lagu mashqulin tv ama phone iwm waa in la iska damiyaa

hooyga barashada quraanka online iyo diinta islaamka
barashada quraanka online
FAAHFAAHINTA HABKAN CASRIGA EE Maqal iyo Muuqaal.Waxaa mahadleh Allahii noo suuragaliyey inaan arinkan u soo gudbino walaalah islaamka ah ee ku nool daafaha dunida.NUR AL QURAAN online Waxaa ka faa’iiday dad badan oo caruur iyo waayeelba iskugu jira, kana kalayimid dhamaan qaaradaha aduunka oo dhan. Lagasoo bilaabo dhamaadkii 2013 waxaa siwanaagsan aan uga hirgalinay Waxbarashada Diinta Islaamka oo Online ah.Waxaanu aad ugu dadaalna intii karaankayo ah inaanu tayada Barashada Diinta Islaamka kor u qaadno una dhibyarayno walaaha islaamka ah ee aan haysan dugsiyo ay diinta ka bartaan.NUR AL QURAN online wuxuu aad kuugu dhibyaraynayaa in waladiintu Soomaaliyeed ay helaan Culimo awdiin iyo macalimiin joogta ah iyaga oo gurigooda jooga ama Jaamacad dhiganaaya ama shaqaysanaaya. qiimaha fiiga hoos baanu u dhignay ee la soco.Hadaba intaas wixii dheer waxaad tijaabin karta 3 maalmood oo lacagla’aan ah


